Waxa la ogaa in dhuxul aad u farabadan ay muddo taalay dekedda Kismaayo oo sida la sheegay uu soo daahay markabkii qaadi lahaa. Haddaba horjooge Axmed Madoobe oo Kiiniya ku hayso Kismaayo ayaa beeniyay in markab laga leeyahay Iiraan uu dhuxushaa ka qaaday magaalada.
”Markabkan ayaa keenay sibidh kadibna wuxuu qaaday dhuxusha meesha taalay oo aad u farabadnayd ayuu yiri xamaali ka shaqeeya dekedda oo magaciisa diidey in la sheego.
Ganacsatada sibidhka ka keenay Iiraan ayaa iyagu beeniyay iay wax ka ogyihiin in markabka dhuxul la saaray iyo in kale waxase la ogyahay in Iiraan ka mid tahay wadamada dhuxusha aadk auga dhoofsada Somaliya.
”Waxaad ku qoslaysaa dadka leh markabka waxa laga leeyahay dalkaasi Niibaal oo ah dal aan bad lahayn, ugu yaraan waxay ahayd in been run u eg ay sheegaan.
Cali Calasow
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay