X

Horjooge maamul jufeed oo fashilmay oo muddo loo kordhinayo

Horjoogaha fashilmay ee maamulka Somalilaan ee ay dabada ka wataan gaalada waaweyn sida Ingiriiska iyo Maraykanka oo hadda u soo xarko xirtey ayaa sheegay in muddada loo kordhinayo.



Gacan ku dhiiglahan rasaasta hoos ugu dhigey dhalinyar banaanbax dhigay ayaa muddo 5 sanno ka qasaariyay beeshiisa ku hoos nool maamul jufeedkan iyo inta la jaarka ah.

War la isla ogaa oo ay soo saareen guddiga doorashada ee laga maamulo Ingiriiska ayaa sheegay in muddo korodhsi loo sameeyo horjoogahan fashilmay ee Muuse Biixi. Madaxa xisbiga Wadani ayaa hore u sheegay inayna ictiraafsanayn horjooge Muuse bisha Noofembar wixii ka dambeeya.



Waxase dad badan is weydiinayaan inay wax samayn karaan ayadoo durba laga soo sheegayo kala hadal iyo inay rabaan in laga wada hadlo muddo kordhintiisa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.