X

Ruushka Iiraan iyo Shiinaha oo dhoolatus ku samaynaya bad Somaliya u dhow

Wadamada Ruushka, Iiraan iyo Shiinaha ayaa dhoolatus milatari oo uu aad uga naxay Maraykanku ka samayn doona bad u dhow Somaliya sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Iiraan. Dhoolatuskan ayaa waxa ka qayb qaadan maraakiib dagaal oo Iiraan leedahay.



Iiraan ayaa wacad ku martey inay baddeeda uga dhanaaniso maraakiibta Maraykanka iyadoo ka dhigtey kuwa degan badweynta Hindiya kuwa aan lahayn dhaqdhaqaaq badan.



Dhoolatuskan ayaa imaanaya xilli Maraykanka iyo xulafadiisa ay soo wajahday dhaqaale burbur xoogan maadaama noloshu aad ugu qaali noqotey markii ay isku dayeen inay dhaqaale ahaan u burburiyaan Ruushka laakiin iyagii dhibku ku dambeeyay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.