X

Ujeedada Masar u soo dirtey laba diyaaradood oo sida dhakhaatiir iyo daawo

Madaxweynaha Masar oo isku dayaaya inuu kaalin ka gaysto abaarta iyo dagaalka lagula jiro dhiigmiiratada shabaab ee hoosta Maraykanku ka taageero ayaa soo direy daawooyin iyo dhakhaatiir sida ay sheegtay warbaahinta Masaarida. Waxa la is weydiiyay ujeedada laga leeyahay.



Labadan diyaaradood ayaa soo qaadi doona dhaawaca ciidanka xooga kuna daawayn doona isbitaalo milatari oo ku yaala Masar. Waa markii ugu horeysay ee Masar ay qaadayso dhaawaca ciidanka xooga dalka ayadoo tartan kula jirta Turkiga. Masar ayaan dhaqaale ahaan awoodin inay fuliso hawlo noocana, waxase aad is weyudiin kartaa cida bixinaysa.



Warbaahinta Masar ayaa caawimadan ku sheegtay xiriirka ay la leeyihiin Xasan Culusow oo ay ku tilmaameen mid ku soo biiray xeradooda.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.