Wararka aan ka helayno deegaano hoostaga gobolka Awdal ayaa sheegaya in horjooge Muuse Biixi uu ciidan qoranayo kaas oo uu ku difaacdo maamulkiisa xilliga la gaaro doorashada. Wararka kale ee la xaqiijay ayaa sheegaya in hub uga yimi Jabuuti.
Xogtan aan helayno ayaa sheegaysa in horjooge Muuse Handaraab hadda isku diyaarinayo inuu rido dagaal uu ku difaacdo kursiga isagoo ka difaacayana beelaha kale ee ISAAQ ee wacadka ku maray inayna hal maalin ugu darin.
”Wax qarsoon maaha waayo wuxuu isku dayay inuu sadexda xisbi ku sheeg ee halka beel uu daaqada ka tuuro kuwo cusubna la shaaciyo sidaana doorashada lagu galo, waxase taas si cad xisbiyada iyagu xagga hore kaga jira inay kursiga la wareegaan.
Askartan dhoohan ee uu ka qornayo gobolka Awdal ayaan iyagu war isku hayn ayagoo loo tuuri doono shilimaad loona qaybin doono qoryo halka caadiyan askariga laga qoro Awdal uu keensado qorgiisa maadaama qoryaha jira ay beel weliba leedahay qorigeeda.
”Koley dhalinta waxbartey fariintani kuma socota waxayse ku socotaa kuwa bilaa camalka ah ee baahiyaha in looga faaiideysto baahidooda ayuu yiri Xuseen Warsame.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS