X

Lama ogolaanayo in barlamaanka qaranka koox yar kala dirto: Mahdi Guuleed

Raiisal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ayaa si toosa u weeraray beesha lixaad ama waxa loogu yeero beesha caalamka oo rabta in barlamaanka qaranka la kala diro kadibna 8 maamul jufeed talada qaranka hogaamiyaan. ”Wax barlamaanku aqbalayo maaha in sidaa yar lagu kala diro koox 10 qofna ahna talada loo dhiibo ayuu yiri Mahdi Guuleed.


” Ha aqbalina Baarlamaanoow markii aad Saddex sano jirtaan kala taga ha aqbalina in 10 Nin masiirka dadka matalaan,ha aqbalina in 10 Nin Sharci dejiye noqdaan in 10 Nin siyaasadda dalka hoggaamiyaan,balse ogaada in waxa ugu dambeeya ee loo laabanayo ay yihiin Baarlamaanka ayuu yiri” Mahdi Guuleed


Hadalka raiisal wasaaraha ayaa digniin u ah kooxda beesha caalamka oo dabada ka riixaysa in dawladu maamul jufeedyada kala tashato masiirka qaranka xilli la baalmarayo barlamaanka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.