X

Horjooge Muuse Biixi oo looga digey farogelinta shir beeleedyada

Xisbiga Wadani ayaa si xun u cambaareeyay fal uu ku kacay horjooge Muuse Biixi kadib isku day uu maamulka gobolka Togdheer ku doonayay in ay ku joojiyaan shir madaxda xisbigu ay la lahaayeen qaybo kamid ah bulshada reer Burco.


Xirsi ayaa sheegay in eeda isku dayga joojinta shirka aanay lahayn maamulka gobolka Togdheer iyo ciidanka booliiska midna, laakin ay amarka uu soo bixiyay horjooge Muuse Biixi.


“Waxa nala yidhi maxaad ula shiraysaan mushkiladu maaha inanka badhasaabka ah, ciidanka booliiskana maaha, qolo Hargaysa joogta ayaa dabada ka wada, oo ka xanaaqsan qoladii shalay Kulmiye taageeraysay ee caqligooda badalay ee aad ka mid tihiin” ayuu yidhi Xirsi.



Xirsi waxa uu sheegay in shacabka aan la qasbi karin, isla markaana ay la shiri karaan cidii ay doonaan “Dadka la qasbi maayee idinkuna haku ceeboobina idinkuna ha cabudhinina”.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.