X

Xamse Warfa oo markii ugu horeysay ka noqday lataliye wasaarad Maraykanka

Madaxweynaha Maraykanka ayaa magacaabay Xase Warfaa inuu noqdo la taliyaha dhinaca xuquuqda dadka wasaarada arimaha dibedda ee Maraykanka. Xamse ayaa noqonaya shaqsigii ugu horeeyay ee Somali ah oo qaybta booskaas.


”Xilka la ii magacaabay waa mid aan u hayo dawlada Maraykanka wuxuuna inta badan khusen doonaa adduunka oo dhan iyo meesha ay ku jirto danaha Maraykanka ayuu yiri Xamse.


Waa Somali uun looma ooyee waxa la fiiriyaa wax maka bedeli karaa siyaasad socota waa Maya ayuu yiri Xuseen Warsame. Ilaa hadda lama hayo dad Somali ah oo waxtarnimo meel ku gaaray aan  ka ahayn dhinaca siyaasada.

Si kastaba ha ahaatee Xamse ayaa ku biiraya shaqsiyaadka Somalida ee magac ku lahaanaya dalka uu joogo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.