X

Horjooge Muuse Biixi oo qaylo dhaan u dirsaday Ingiriiska

Horjoogaha geri go’anka ku socda ee xasuuqa ka wada gobolka Sool ayaa qaylo dhaan u dirsaday Ingiriiska qoraal uu goor dambe ka soo saaray dagaalka uu ka bilaabay Laascaanood halkaas oo maleeshiyada calooshood u shaqaysteyaasha ee aan la garanayn waxay ku dhimanayaan ayy hoobiyeyaal ku graaceen magaalada.



Hooyo iyo todoba caruura oo ay dhashay ayaa la soo sheegayaa inay ku dhinteen markii uu magaalada hoobiye uga dhigay sida roobka. Horjoogahan oo cidla taagan oo dhamaan beeshiisu sheegtay inayna dagaalka ka qayb qaadan doonin ayaa waraaq sidan u qoran u direy Ingiriiska.



”Waxaan Laascaanood kula dagaalamayaa koox argagixiso oo uu ujeedo garaadada iyo dadka gobolka Sool ee nacay inay u sujuudaaan beel iyaga la mida, sidaa darteed ayuu raaciyay waxaan u baahanahay in nala soo gaaro.

Qaylodhaantan uu u jeediyay Ingiriiska oo la soo sheegayo ayuu horjooge ku qoray dhibka ka haysta dagaalka ayna hadda ugu daran tahay raashinka iyo saadka maleeshiyada oo aan haba yaraatee jirinba maadaama SSC xirtey dhamaan wadooyinka gobolka.



Wuxuu dalbaday oo kale in lacag la;a gaadho maadaama uu miisaaniyadii u dhacay. Horjooge gacan ku dhiigle Muuse Biixi ayaa dagaalka safay caruur aan gaangaadhin oo dagaalka ka sokow gaajo u dhimanaya. Waxa dhiobaca kale ka go’ay sghidaalka baabuurta iyo rasaasta oo sii go’aysa maadaama wadadii la jaray.



Si kastaba ha ahaatee waxa maleeshiyada joogta duleedka Laascaanood ka go’ay raashinkii iyo biyihii ayadoo laga wada daawaday dayaca haysta iyo diifta ka muuqata.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.