X

Horjooge Muuse Biixi oo soo degay markii la yidhi ku aqoonsan meyno

Horjoogaha maamulka Somalilaan ayaa hadda sheegay in doorashadu dib uga dhacayn waqtigeeda si aan loo samayn madaxweyne kale ama aan loogu daadan guriga Morgan. ”Doorashadu waqtigeeda ayay ku dhacaysaa xisbiyadana waqtigooda ayaa la furayaa ee weerarka inaga joojiya ayuu yidhi horjooge Muuse Biixi.


”Waa shan sano oo khasaare ah oo ka luntey dadka reer Woqooyiga ah ayuu yiri Xusee Warsame. Waxa horjoogahan hore dagaal iyo dhiig ugu faanay lagu xasuustaa qabyaalad cad iyo maamulka oo jufadiisa uu ka buuxiyay.



”U aqoonsan mayno horjooge laga bilaabo marka muddo xilleedkiisu dhamaado ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga Wadani waxana jiri doona madaxweyne kale. Hadalkaas runta ah kadib waa so degay waana xaqiiqsaday in sidaa wax u dhacayaan ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.