X

Horjooge Muuse Biixi oo weeraray dhakhtar talo siiyay

Horjoogaha maamulka Somalilaan ayaa weeraray dhakhtar kula taliyay inuu jaadka joojiyo. Gaboose oo wasiir hore ka ahaa isla maamulka ayaa kula taliyay inuu jaadka joojiyo inkastoo aanu keenin wixii loogu bedeli lahaa dadkaas jaadka laga joojiyay.


“Waxaa mucjiso igu noqotay in horjoogihii aan u hiilinaayay uu hiilkaygii ku noqday waran uu ka gam’i waayay, madaxweyne shaqaalaha aan sawirka la soo galay waa dad haysta caafimaad buuxa, haddii tusaale la qaadanayo weli ma is eegtay adigu in aad afka duuban tahay iyo in aad xidhan tahay goloofiskii gacmaha, anigu kula ficil tami maayo waayo waan kaala hanweynahay taaa ayuu yiri Gaboose.


Inkastoo Muuse Biixi ku weeraray talada uu siiyay ee haddana isla dhakhtarkii jebiyay, waxa u fiicneyd horjooge Muuse Biixi oo fashilkiisu ciidaa ka batay inuu isagu horkaco maamulka intuu eedayn lahaa cidkale.


Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.