X

Qaybtii labaad ee caawimada Turkiga oo Muqdisho soo gaartey: SAWIRO

Madaxweynaha Soomaliya ayaa khadka telfoonka kula hadley madaxweynaha Turkiga ugana mahadceliyay caawimada caafimaad ee uu dalka soo gaarsiiyay. Caawimadan caafimaad oo ka kooban agabyo badan ayaa qaybtii labaad maanta timi.


Qeybtan labaad ayaa u badan agabyada caafimaadka ee sariiraha casriga ah oo loo adeegsado la dagaallanka cudurka Kooro iyo qalabyo kale oo muhiim ah.


Dawladda Turkiga ayaa maalmo ka hor ka dejisay magaalada Muqdisho qalab caafimaad oo ay ku jiraan mishiinada neefta siiya bukaanada, dharka dusha laga gashado iyo agabyo kale oo muhiima.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.