X

Horjooge Siciid Deni oo ku fashilmey qorshe uu ku hor istaagi lahaa taliyaha ciidanka Lugta

Taliyaha ciidanka qaranka ee lugta Jeneraal  Cabdixamiid Maxamed Diriayaa ayaa galay tuulada Towfiiq ee Mudug halkaas oo dhawaanahan ay ka socdeen dagaal ay isku cuneen laba beelood oo walaalo ah oo kala degan tuulooyinka Afbarwaaqo iyo Towfiiq.

Taliyaha oo ku horeeyay Afbarwaaqo  ayaa kadib u wareegay Towfiiq si loo dhameeyo colaada.


Waxase intii taliyuhu joogey Afbarwaaqo kaga horeeyay Towfiiq saraakiil horjooge Siciid Deni direy oo dadka u sheegay inay diidaan waxase diidey dadka tuulada oo ku eedeeyay horjooge Siciid Deni fadhiidnimo.

”Waxaan rabnaa in colaadu dhamaato mana jirin wax nooga yimi Butlaan ayay yiraaheen dadka tuuladu.

Fashilka ku yimi horjooge Siciid Deni oo isku haysta inuu yahay maamul go’ay ayaa muujinaysa in aanu isku hayn Karin dadka wada wadaaaga magaca Butlaan.


Dadka colaadu ka dhaxayso ee labadaa tuulo ayaa la sheegay inay yihiin beelaha Dir inkastoo ku jiraan beelaha Hawiye iyo Majeerteen dagaalka si dadbadan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.