X

Horjooge Siciid Deni oo leh dawladu way aqoonsatey Axmed Madoobe

Horjoogaha maamulka Butlaan Siciid Deni ayaa sheegay in la xaliyay diidmadii Axmed Madoobe uu diidey in la qabto doorasho xalaala oo loo dhan yahay kina dhintey asagoo taageero Ka helaya Kiiniya.


Horjooge Siciid Deni oo intii la doortey aan tagin Muqdisho iskalana weyn iskuna haysta dawlad gooniya ayaa qaba in dawlada dhexe ka qayb gashay shir Ka dhacay Kismaayo oo maaliyada ah taasna muujinaysa ictiraaf.


Dawlada iyo wasiirka maaliyada ayaa iyagu sheegay in shirka Ka dhacay Kismaayo aanu siyaasad Ku shaqo lahayn ee ujeedadu ahayd in la wada doono xalinta lacagta deynta ah ee lagu leeyahay dalka.


Inkastoo la dhaleeceeyay shirkaas dawladu ka qayb gashay ee iyadu hogaaminaysay lagana baqaayay in ka qayb-galkaasi diro fariin qaldan oo ah sharciga waa lagu tuman karaa kadibna waa la ictiraafi karaa sida Axmed Madoobe oo kale ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.