X

Maxaan ku xasuusanaa hoobalkii Axmedey Abuubakar

Allaha u naxariistee waxa magaalada Muqdisho ku geeriyooday fanaan Axmedeey Abuubakar oo ahaa hoobal caana kana mid ahaa hoboladii  qaranka ee  Waaberi ee lagu yaqaanay tayada iyo baraarujinta dadka. Hoobalka ayaa la sheegay inuu baryahan xanuun u jiifay magaalada haddana u geeriyooday.


Hoobalka ayaa muddo badan Ku noolaa Yaman markii dawladii dhexe ay rideen gaalada iyo kuwii taageersanaa ee caqligoodu Ku salaysnaa hunguri qabyaalad loo maro.

Kadib wuxuu dib ugu noqdey mu’adinimada oo uu awal ahaa inta aanu fanka Ku biirin. Wuxuu kaloo ahaa laxamiiste weyn sameeya heesaha uu qaado laxankooda macaan.


Heesahiisu makala dhacayn Wadani iyo jacaylba isugu jirey kuwooda loogu jeclaa waxa Ka mid ahaa heestii wabigii qaadayow.


Hees Wadani ah oo lagu xasuusto hobolka

Marka laga yimaado kuwaasi kore Heesaha aadka loo jeclaa isagoo xagga araga naafa Ka ah waxa Ka mid ahaa Hallow hallow, heesta qisada dhabta leh ee Qaahira, Luul iyo Leyla iyo heeso kaloo Nebi amaana oo aad u macaan.

Inaa lilaah waa inaa ilayhi raajicuun

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.