X

Ilaalo fududaysay weerar argagixiso oo qorsheysan oo xukuno ku dhaceen

Maxkamada ciidamada ayaa xukuno kala duwan ku ridey dad fududeeyay weerarkii xabsiga Xamar halkaas oo dad la shaqaynaya argagixisada ay soo geliyeen hub markii dambe lagu weeraray isla ciidanka ilaalada.


Dadka la xukumay waxa ku jira saraakiil baxsaday oo iyagoo maqan dil lagu xukumay. Sagaal ka mida dadka xukunku ku dhacay ayaa ahaa ciidanka asluubta ee goobta oo iyagu badbaaday.


Haddaba hoos ka akhriso magacyada iyo xukunada ku dhacay ayadoo loo ogolaaday racfaan.

1-Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay Dil-toogasha ah isaga oo Maqan

2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta oo ay ka wada tirsanaayeen.

5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.

6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-Maxamed Nuur Maadeey 8-Maxamed Maxamuud Mataan 9-Cumar Xasan Abtidoon iyo 10-Isaaq Geedi Ibraahim oo Iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.