X

Horjooge Xaaf oo wararku sheegayaan inuu ka cararay Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in horjooge Xaaf oo xaalku ku xun yahay uu ka guurey Dhuusamareeb uuna qaaday safar dhinaca dhulka ah. Ciidamo beeshiisa ayaa la sheegay inay u sii wadaan dhinaca Gaalkacayo.


Xaaf ayaa xaalku ku xun yahay wuxuuna u qaylo dhaansaday beeshiisa inay badbaadiyaan. Waxa Dhuusamareeb ku sugan wefti ka socda dawlada dhexe oo kulan is-afgarada la qaatey maamulka Ahlu sunna, taas oo horjooge Xaaf ka dhigtey inuu cidlo taagan yahay.


Weftiga dawlada ayaa raba in doorashadu sideeda uga dhacdo Galmudug bisha dambe ayadoo aan xilli lagu darsan halka Xaaf oo cidla jooga uu rabo inuu korodhsado laba sanno.

Si kastaba ha ahaatee waxa la sugaa in loo ogolaado inuu sii maro Cadaado oo maamul cusub ka dhisan yahay. Waxa la sugayaa kaliya in weftiga dawlada sheegeen in doorashadu sideeda u dhici doonto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.