X

Jeneraal Dir ah oo diidey in tuulada Towfiiq ka mid tahay Galmudug

Jeneraal Maxamed Maxamuud Cumar (gacayte) oo ka tirsan maamulka Puntland kana soo jeeda tuulada Towfiiq ayaa aad u xanaaqay hadsli ka soo yeeray jaaliyada Galmudug ee Sweden oo iyagu sheegay inay leeyihiin tuuladaas.


Gaashaanle sare Maxamed Maxamuud Cumar (Gacayte), ayaa sheegay in degmadaasi ay maamul ahaan hoostagto Maamulka Puntland, waxaana uu digniin u diray Siyaasiyiin uu sheegay inay faraha la soo gelayaan ama carqalado iyo daan-daansi ka wadaan degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug.


Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Beesha degta Degmada Towfiiq ay tahay Dir ayna ka tirsan Puntland isla markaana uu sheegay in xaduudkooda uu yahay deegaanada Budbud iyo Af-Barwaaqo ee Gobolka Mudug.


Waa markii ugu horeysay ee beelaha Dirka ah uska fogaayeen beesha Hawiye ee ku magacaaban maamulka Galmudug intiiss badan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.