X

Horjoogeyaal ku fashilmey inay la kulmaan ajaanib joogta Kiiniya

Shir ay sadexda horjooge ee Puntland, Galmudug iyo Jubba la yeelan lahaayeen ajaanib ku sugan Kiiniya ayaa fashilmey. Horjoogeyaashan ayaa ku kala tagey markii ay waayeen cid la kulanta.


Fashilkan ku yimi ayaa loo aanaynayaa laba arimood oo kala ah in ajaanibtu ka waayeen waxay rabeen iyo iyagoo ka baqay in la joojiyo socdaalada ay ku tagaan Muqdisho.


Horjoogaha Puntland oo maamulkiisa ka maqnaa muddo laba bilooda ayaa socdaaladaas ku fashilmey kadib markii Shiinuhu u sheegay inuuna macno samayneyn inaan heshiis kula galno.

Horjoogeyaashan ayaa inta badan ajaanibta ka raba inay aqoonsadaan ama si hoose ula shaqeeyaan si loo mijaxaabiyo dawlada dhexe.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.