Huteelada Muqdisho qaarkod ayaa looga digey arin halis ku ah dhaqanka haddii lagu helana laga xiri doono. Dhaqanada soo baxay ayaa waxa ka mida in maandooriye lagu dhex isticmaalo huteelada qaar.
tyle=”text-align: justify;”>Waxa kale oo jirtey in lagu faro xumreeyo gabdhaheena ayadoo maandooriye la siiyo qaarkood. Huteelada loo digey waxa ka mida kuwa ku yaala xeebta.
”Waxa amar lagu siiyay inayna furnaan karin wixii ka dambeeya 12-ka saqda dhexe haddii lagu arko wax dhaqanka iyo diinteena ka soo horjeedana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan oo laga xiri doono huteelka.
“Xeebta Liido waa goob shacabku isagu yimaado laguna nasto ,mana lagu isticmaali karo wax maandooriye ah noocuu doono ha-ahaadee, cid walba oo falkaas ku kacdana, waxaa Hay’adaha amniga la farayaa in tallaabo ay ka qaadaan sharcigana horkeenaan” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Waxa jira dadyow gabdhaheena si qaldan uga faaiideysa xaalad kasta haku jiraane.
C/llaahi WArmooge
ARAABINEWS