Sunday, May 19th, 2024
header










Meta







Ictiraafkii Somaliland ma wuxuu iskugu soo biyo shubtey afar magaalo aan aduunka ku khiyaano iyo hal milyan oo qof

Sida laga warqabo waxa maamulka Somaliland sheegtaa in ay afti ka qaadeen dadka degan deegaanada gobolada Woqooyi Galbeed, Togdheer, Sanaag iyo Awdal inkastoo muddo kadib la bixiyay gobolo qabiileysan oo doorashooyin iyo arimo siyaasadeed lagu rabay.

Marnaba gobolka Sool kama dhicin wax doorasho ku saabsan wuxuuna gobolku si toosa u hoostagayay Puntland ilaa iyo intii ay dadka reer Sool diideen maamulka Puntland oo reer kaliya ku shubtey taas oo ilaa hadda socota.

Waxay kale oo ay sheegtaan in boqolkiiba 97% u codeeyeen in ay ka go’een Somaliya inteeda kale oo uu ka jirey burbur sidii dalku u burburey sanadii 1991.

Waxay kaloo sheegtaan in May 18 dib ula soo noqdeen waxa ay ku tilmaamaan madax banaanidii 1960 khasaartey inkastoo ay ku guuldaraysteen in ay ka dhaadhiciyaan xataa odayga Hargeysa jooga laakiin dadku iskaga qancay fowdada ka jirta Koofurta Somaliya maadaama wax u dhaama ayna jirin waxa hadda la haysto.

Hadaba masuuliyiin u hadley maamulka Somaliland iyagoo dhalinta mudooyin badan u sheegayay in ay go’een oo boqolkiiba 97% u codeeyeen ”HAA” in hadda ay raadinayaan HAL MILYAN oo qof oo ictiraaf u keena. Taas oo ay la yaabeen taageerayaasha gooni goosadka oo hadda quus ka qaaday beentii aduunka lala marayay.

Waxa sidoo kale gaabsaday saxaafadaha aduunka oo been qori jirey oo hadda ka hadla nidaamka federalka iyadoo dawlad kasta ka leedahay Somaliya dan gaara maadaama ay soo noqotey kala dambeyn YAR.

Wargeys ka soo baxa Hargeysa ayaa ku qosley waxa masuuliyiintaas ka soo baxay wuxuuna qorey ”dunida tixgelin wayday sadex milyan oo ay sheegeen in HAA ku codeeyeen miyaa hadda tixgelinaysa HAL MILYAN la soo dhoodhoobey”, wuxuuna raaciyay war caruurta beenta aan ka dayno”.

Talada halka Milyan ayaa ka timi Ingiriiska oo ah halka ugu weyn ee gooni goosadku isku haleeyo markasta iyagoo idaacada dalkaasi laga leeyahay ee BBCsomali ay laba wariye u fadhiyaan magaalooyinka Hargeysa iyo Burco inkastoo sidii internet-ku u bilaabmey aanay dadku ku xirneyn, kuna xiran yihiin shabakadaha xorta ah oo hadda la helo codka dad ayna jeclayn in la maqlo codkooda sida reer Awdal iyo Khaatumo.

Shabakad aad loo akhristo Somaliland oo gooni goosad ah ayaa warkeeda ku soo koobtey ” ilma caruura dadku maaha ee maamulka Siilaanyo hala yimaado wax dadka u cuntama, waxayna ku sii dareen in ictiraafku yaalo lugaha Xasan Sheekh” halkaasna laga doono hadduu diidana aan u bandhigno aduunka siiba Ingiriiska” ayay ku soo xirtey maqaal dheer.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...