24/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

IGAD oo amaantey Beljim arinta baasaboorada Somaliya

Dawlad gboledka IGAD ayaa Beljim oo xarun u ah midowga Yurub ku amaantey aqoonsioga laba baasaboor o ka mida baasaboorada Somaliya. IGAD ayaa sheegtay in tani fududeynayso isku socodka madaxda Somaliya iyo ururka midowga Yurub.



Beljim ayaa aqoonsatey labada baasaboor ee Somaliya ee kala ah baasaboorka adeega iyo kan diblomaasiga oo hadda si toosa loogu tagi karo xarunta midowga Yurub ee Beljim iyo weliba wadamada la wadaaga adeega dal-ku-galka ee Yurub.



Xoghayaha ururka goboleedka IGAD oo Somaliya ka mid ahayd wadamadii ugu horeeyay ee aasaasay ninka lagu magacaabo Maxbuub Maalin ayaa rajeeyay in Beljim talaabo noocaasa u fidiso baasaboorka caadiga ee ay haystaan mushtamaca Somaliyeed.

Baasaboor Somaliga ayaa aduunka badankiisa lagu tagi karaa laakiin inta badan laga diidaa wadamada Yurub ama lagu bixcin dal-ku-gal.

C/llahi Warmooge

ARAABINEWS