Beljim–Iiraan iyo reer galbeedka ayaa sheegay in ay qodobo wax ku oola ka soo baxeen wadahadalka ku saabsan dib u dhigida ama xakamaynta barnaamijka quwada nukliyeerka ee wadanka Iiraan. Qodobada lagu heshiiyay oo lagu qori doono warqad ayaa waxa amaaney Madaxweynaha Maraykanka oo ku sheegay in uu dhacay heshiis qarni.
Dhinaca kale waxa warbixino kala duwan iskuna mida iyaguna soo saaray wadamada xukafada ah ee Sucuudiga iyo Yhuuda oo iyagu sheegay in qodobada ka soo baxay heshiiska ay khatar ku tahay danahooda.
Hadaba maxaa ka soo baxay heshiiska la soo dhaweeyay: Iiraan ayaa iyadu sheegtay in heshiisku yahay guul u soo hoyatay labada dhinac halka wadooyinka Tehraan iyaga laga dabaaldegay. Waxa sidoo kale la sii daayay qudbadii Barak Obama ee ku saabsanaa heshiiska.
Qodobada ugu weyn ayaa ah in la laga warhayo halka uu maraya awood samaysiga hubka nukliyeerka taas la yareeyay meelo badan oo ay mari lahayd samaystka hubkaas.#
Dhinaca kale iyadoo taasi socoto waxa Iiraan laga qaadayaa qaybo ka mida cunaqabataynta dhaqaalaha iyadoo wajiyo loo samayn doono.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS