11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Iiraan oo soo bandhigtey maraakiib dagaal oo ka nixiyay xagjir Taram

Ayadoo baryahan ay soo baxayeen in xagjir Taram rabay inuu weeraro Iiraan inta uuna xukunka ka degin si uu u raaligeloyo Yuhuuda iyo wahaabiyada Sacuudiga ayaa Iiraan soo bandhigtey Markab dagaal oo qaadi kara diyaaradaha noocyadooda kala duwan iyo weliba gujis casriya.



Inkastoo markabkan dagaal aanu siinayn awood dheeriya laakiin waxay muujinaysaa heerka milatari iyo awooda Iiraan ku leedahay caalamka. Maraykanka oo haysta dhowr Markab oo noocaasa ayaa hore ugu dhici waayay inay soo galaan biyaha Iiraan.



“Iiraan waxay maalinba maalinta ka dambeysa sii caariyaynaysaa noocyada kala duwan ee hubkeeda. Waxay sanadkii hore soo saartey hubka casri ah oo lagula dagaalamo diyaaradaha.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS