X

Iiraan oo sheegtay inay ka jawaabi doonto weerar lagu qaaday warshad nukliyeera

Iiraan ayaa sheegtay mardhow in xarumaheeda Nukliyeerka gaar ahaan Nataaz la weeraray maanta oo Axada ayna jawaab ku haboon ka bixin doonto. Weerarkan ayay ku sheegtay inuu ahaa mid argagagixo oo la filayo inay fuliyeen Maraykanka iyo Yuhuuda oo iswata.


Dabka ka kacay warshada ayaa marhore lagu tilmaamey inay tahay mid koronto ka dhalatey haddase Iiraan waxay sheegtay inay shisheeye ku lug leeyihiin ayna gaysteen weerar argagixiso.

Haddaba warshadan oo maalin kahor lagu bilaabay qalabka sifeeya macdanta Yuraaniyam oo xawaare ku sifeynaya kumanaan Yuraaniyam qaydhiina, ayaanay ka dhalan wax uuro ah oo khatar gelin kara dalka.


ā€¯Iiraan waxay xaq u leedahay inay jawaab kulul ka bixiso weerarkan lagu qaaday warshada sifeysa macdantaas loo adeegsado hubka naqaska ee Nukliyeerka ayuu yiri afhayeen u hadlay Iiraan.

Waxay fartu ku godan tahay Yuhuoda oo Maraykanku daba taagan yahay. Saxaafada Yuhuuda ayaa si cad u sheegay in weerar dhinaca internetka ah lagu qaaday warshadaas ayna ka dambeyso sirdoonka Yuhuudu.


Weerarkan ayaa yimi xilli Maraykanku si hoose ula hadlayo Iiraan xagga Yuhuudu ka hortagayso wadahadalkaas.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.