X

Laabla kaca lagu dhisay maamulka Butlaan ayaa ku tumashada keenay: Indhosheel

Madaxweynihii hore ee Khaatumo Indhosheel oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho kana mid ahaa masuuliyiin keenay Buuhoodle deeqda daawooyinka iyo agabyo kale ayaa taabtey sida Siciid Deni ugu tumanayo Dhulbahante iyo weliba horgalada Dhulbahante ee Hargeysa jooga oo ka xumaadey deeqaha dawlada dhexe u keentay dadkeeda.


Indhosheel oo xukunka Khaatumo ku wareejay Cali Khaliif muddo hore ayaa sheegay in dhibka ka jira Butlaan uu yahay laabla kaca lagu dhisay maamulka, taas oo hadda Majeerteen iska yeeshay.

Ma jirin wax qotodheer oo lagu dhisay maamulkaas aan ka ahayn in Majeerteen gacanta loo geliyo hadda uu ugu abaalgudey Dhulbahante in kolba mid ka soo tuuro Garoowe ayuu yiri Indhosheel.


Mar uu ka hadlaayay horgalada ka xumaadey daawooyinka uu keenay Buuhoodle ayuu sheegay inayna jirin wax uu ku tilmaamo aan ka ahayn dulin ummada ku habsatey.



Mar uu taabtey talaabooyinka dawlada dhexe ay ku talaabsatey ayuu aad u amaanay horumarka laga sameeyay dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga oo hadda dawladu maamusho dhul baaxadleh.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.