X

Ilaa weligeen ma waxaan ku jireynaa Allaha u naxariisto: war kaca: Sh Maxamed Idiris

Culimada Somaliyeed kuwooda dhinaca baraha bulshada ayaa had iyo jeer lagu canaantaa inay bustaha hoosta kaga jiraan oo ayna ka hadlin waaqica jira. Hadaba Sh MAxamed Idiris ayaa afka furtey wuxuu yiri sidan soo socota.


“Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu u naxariisto, dembigooda dhaafo, jannadiisana geeyo, eheladoodana samir iyo iimaan ka siiyo dadkii shalay lagu xasuuqay xarunta gobolka banaadir, inta dhaawacaana ilaahay u booga dhayo.
Ummadda soomaaliyeed wexey waayadaan noqotay tacsi u joog, maalin walba ineynu dadkeeni qaar tacsi ku sagootino, shalay ayey ahayd markii qayb kale lagu xasuuqay qarax isla muqdisha qaar xajkii u socdeen, ayaama ka horna kismaayo ayey ahayd qayb kale oo hoteel lagu xasuuqay, dhawrkii maalmoodba waa qaraxa iyo xasuuq iyo inaan tacsi u fadhino.


Awooddii ummadda soomaaliyeed oo dhawr iyo toban milyan ah ( dad iyo dawlad) wexey ku soo ururtay oo keliya maalin walba inaan dhahno: (inta dhimatay allaha u naxariisto.. inta dhaawacaana allaha caafiyo).
Waa sax ducadaasu, hayeeshee jawaab ku filan ma aha xasuuqa arxan darrada ah ee innagu socda, sida aynu nahayna (Dad iyo Dawlad) ma aha jawaab ama dareen ku habboon dagaalka xun ee innagu socda, gudo iyo dibadna kaga socda dalka iyo dadka soomaaliyeed.
Soomaaliyey aan kacno, oo weliba dawladooy adigu ka kac!!”.


Culimada Somaliyeed intooda xorta ah ee aan ku xirneyn Salafiyada ama Wahaabiyada Sucuudiga laga biilo ayaa ka aamusay xasuuqyada argagixisada.

Soo akhrintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.