X

Yaa soo hogaamiyay haweenay isku qarxisay xarunta dawlada hoose

Waxa soo baxaya warar dheeraada sida haweenay la sheegay ama wax u eg ay ku gashay goob amnigeedu yahay meelaha ugu nabdoon ee dawladu ku shaqayn karto. Xarunta dawlada hoose ee Xamar ayaa aad loo ilaaliyaa waxana lagu shaqeeyaa garasho maadaama dadka badankooda ay yihiin hal jufo.


Waana ta keentay dhibka ugu weyn waayo tani waxay abuurtey anaa aqaane sii daa mase oga in argagixiso lahayn anaa aqaana. Waxa qofka jaahilkaa loo soo galbiyay xarunta hoolka ee shirku ka socday.

Xogta laga helay saraakiisha amniga iyo madaxda maamulka G/banaadir ayaa sheegaysa in Haweeney la socotay Gabar Indhoole ah oo Maamulka Gobolka Banaadir u qaabilsaneyd arrimaha Naafada ee Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba.


Waxay isku muujisay inay kaalmeyneyso haweeneyda naafada ah oo uu dhowaan magacaabay Guddoomiye Yariisow si ay arrimaha naafada ugu qaabilsanaato.

Baaritaanka ugu weyn ayaa ah inaan ku dhownahay inaan helno cida haweenaydaas u fududeysay inay soo gasgho xerada. ”Waa qof hore la aaminsanaa haddase fartu ku godan tahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.