X

Isbitaal xog ka soo saaray gabadh yar oo si xun ugu dhimatey Boosaaso

Waxa maanta banaanbax xoogleh uu ka dhacay magaalada Boosaaso halkaas oo dil foolxun oo laga argagaxay uu ka dhacay shalay laguna diley gabadh yar. Nabarada ku yaala gabadha yar ayaa laga anfariirey.


Gabadhan ayaa sida booliisku sheegay aan welli la xaqiijin cida la dishey xilli dadka banaanbaxa dhu=igayay ay ka cawdeen sida diciifka ah ee u socoto baadhistu. ”Waxa jira dad noo yimi laakiin ilaa hadda ma hayno cida saxda ah ee gabadha dhashay ayuu yiri taliye u hadlay booliiska.

”Kufsi ayay ka hadlaan ma wax dil ka weynbaa jira, waxaadse moodaa in kufsiga laga dhigtey mashruuc maadaama dadku muskim yahay oo kufisuyada dhacaa ay aad u yaryihiin ayuu yiri Cali Calasow.


Isbitaalka gabadha la geeyay ayaa lagu ogaaday in gabadha uu maray gaadhi ayna ka muuqato taayirkii maray wejigeeda., lama garan karo gaadhiga maray nooca uu yahay, waxa loo malaynayaa gaadhi Hindiga loo yaqaan bajaaj.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.