X

Kiiniya oo Itoobiya u cabasho tagtey

Wasiirka arimaha gudaha ee Kiiniya ayaa ka soo noqdey safar uu Kula kulmey raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed. “Wuxuu sidey cabasho ka socota dalkiisa wuxuuna u gudbiyay raiisal wasaare Cabi Axmed waxayna ka soo horjeedaa Somaliya ayuu yiri Cali Calasow.


“Waxaan kala hadlay raiisal wasaare Cabi Axmed sidii xal waara looga gaari lahaa soohdinta u dhaxaysa labada dal ee Somaliya iyo Kiiniya ayuu ku qorey baraha bulshada.


Dhawaan ayay ahayd markii maleeshiya Kiiniya dabada Ka riixayso ay isku sateen inay soo weeraraan Baladxaawo laakiin dhirbaaxo kulul lagu dhiftey, intaas kadibna Kiiniya soo dirtey wasiirkeeda arimaha gudaha.


Si kastaba ha ahaatee haddii Kiiniya rabto inay wanaajiso xiriirka labada dal waa inay faraha ka qaadaa siyaasada arimaha gudaha ee Somaliya kana baxdaa Kismaayo oo ay ku hayso Axmed Madoobe si maamul saxa loogu sameeyo ayuu qabaa Cali Calasow oo Muqdisho jooga.

Waxa shalay gelinkii dambe kulmey wasiirada arimaha dibedda ee Kiiniya iyo Somaliya si loogu Gogol xaadho booqashada madaxweyne Farmaajo ku tagayo Nayroobi.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



admin:

This website uses cookies.