X

Jarmalka oo Somaliya ugu deeqay 73 milyan halkee ku baxaysaa

Dawlada Jarmalka ayaa ugu deeqday Somaliya lacag gaaraysa 73 milyan oo doolar kadib markii raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre Ka qaybfalay xaflada isku darsanka Jarmalka oo lagu qabtey Muqdisho.


Annett Gunther, oo ah Danjiraha Jarmalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in lacagtaasi tahay mid lagu taageero hay’adaha maaliyadeed ee Soomaaliya.

Annett Gunther ayaa intaas ku dartey in Jarmalku bixin doono lacagtaas labada sano ee soo socota. Waxaa lagu qaban doonaa dayactirka wadooyinka, tababaro iyo in lagu abuuro shaqooyin cusub.


Wadamada reer galbeedka ayaa lagu yaqaan inay caawimada ku bedeshaan in la siiyo kheyraadka dalka qaar Ka mida.

C/llaahi Warrmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.