X

Ilmoyar oo saacado jira oo laga helay goob qashin quba Muqdisho

Dhacdo aad u xanuun badan ayaa ka dhacdey Muqdisho kadib markii ilmoyar oo saacado jirey laga helay goob qashin quba oo ku taal xaafada Wadajjr. Waxa ilmaha yar arkey haween goobtaas u tagey inay qashin ku shubaan, waxayna u yeereen nin xaasle ah oo goobta u dhawaa.


Lama oga hooyadii dhashay xaalada ay ku sugan tahay maadaama ilmaha saacado kooban uu jrey lagana helay geedka loo yaqaan Cali Garoobka hoostiisa. Xataa waxba kuma duubneyn waa sidii ay ku dhashay ayay yiraaheen haweenkii arkey.

Yuusuf Ibraahim Yacquub oo ah shaqsiga goobta ka soo qaaday wiilkaas yar ee hooyadii tuurtey ayaa sheegay in isla markii loo sheegayba uu soo qaadey wacayna xaaskiisa una sheegay kadibna ay tiri noo keen waa korsanaynaaye, kadibna waan u mayrney xundhurtiina waxbaan ugu duubney, xaalkiisuna uu fiican yahay.


Ilmaha la tuuro ayaan ku cusbeyn Somalida ayadoo haweenka tuura ilmahooda ay ku kaliftey xaaladii markii hore ay uurka ku qaadey oo ah wax bulshada dhexdeeda ka xun.

“La kufsayaana yaa og waa ognahay in kufsigu ku batey dalka intii dawlad la’aantu bilaabatey ayay tiri haweenay ka mid ahayd kuwii arkey ilmaha yar”.


Si kastaba ha ahaatee si looga hortago uurka aan la rabin oo aanu ku jirin kufsigu waa in cidkasta oo ka fogaan weyda xaaraan ay isticmaashaa caaga ayuu yiri Cali Xiisow haddii kale run iskuna sheegayno.

C/llaahi Warmooge

ARAABIBEWS


admin:

This website uses cookies.