X

Madaxa dawlada Somali galbeed Mustafe Cagjar oo sheegay inuu fashiliyay shirqool

Madaxa dawlada Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa sheegay inuu fashiliyay shirqool aad u casriyaysan oo uu sheegay in lagu qalqal gelinaayay nabada iyo deganaanshaha deegaanka Somalida. Mustafe Cagjar ayaa hadalka sidaas u dhigey mar uu la hadley saxaafada Itoobiya.


Mustafe oo jooga Addis ababa ayaa sheegay in shirqoolku lagu rabey in isaga xukunka looga tuuro oo dib loo soo celiyo kooxdii Heego ee lagu yaqaaney cabudhinta iyo jirdilka Somalida deegaanka.

Wuxuu markan si toosa u eedeeyay gudoomiyaha xisbiga ahna wasiirka maaliyada oo uu sheegay in dib loogu yeeray gobolka si loo wadatashado laakiin aanu ka soo xaadirin.


Wuxuu Mustafe Cagjar sii raaciyay in shirqoolkan ay ku jiraan jeneraalo Tigree ah oo ku jira xisbiga dalka xukumo uuna sheegay inuu khiyaanada dhan u bandhigi doono raiisal wasaare Cabi Axmed markuu la kulmo ugana waramo xaalka gobolka.

Eedaynta uu u soo jeediyay gudoomiyaha xisbiga Axmed Shide ayuu ku sheegay inuu ku kacay khiyaano weyn oo lagu xiri karo.


Waxa hadda muhiima in si deg dega loo xaliyo khilaafka banaanka u soo baxay ee u dhexeeya madaxa ku meelgaarka ah ee deegaanka iyo gudoomiyaha xisbiga.

Diridhaba


Dhinaca kale waxa warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in rabshado ka dhacay Diridhaba oo Axmaaradu soo toogteen Somalida ay ka dambeeyeen Oromo iska dhigtey Somali kadibna qashqashaadey Axmaaro Ilaah raadis ku jirta.

Warkii u dambeeyay khilaafka dawlad deegaanka

Raiisal wasaare Cabi Axmed ayaa bartiisa baraha bulshada ku sheegay in xal laga gaaray murankii ka dhexjjray labada masuul hadana xooga la saari doono in loo adeego dadka.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.