X

Imaaraadka oo durba u yeeray horjooge Siciid Deni

Wararka aan ka helayno ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in horjooge Siciid Deni ay u yeertay Imaaraadku halka isla safarkiisa uu sii mari doono Kiiniya. Horjoogahan ayaa aad ugu xiran kooxda Xalane waxana uu afka ku balaariyay inuu keliya isku sharaxay si loo joojiyo madaxweyne Farmaajo.


Imaaraadka ayaa qiimaynaya taageerada uu ka heli xildhibaanada uu gacantiisa ku xushey iyo kuwa kale, waxana loo sheegay inaanu ciriiri gelin karin madaxweyne Farmaajo, weaxayse lacagta ku bixinayaan inuu iibsado xildhibaanada iibsami kara ayay leedahay xogta aan helayno.


Doorashada madaxweynaha Soamliya oo aad u daahday ayaa waxa eeda leh kooxda Xalane oo ilaa hadda raadinaya fursad kasta oo ay ku joojiyaan madaxweyne Farmaajo oo ay ku jirto in nin daarooda loo doorto kursiga gudoomiyaha golaha shacabka ayuu qabaa Cali Calasow.



Xogta ayaa sheegaysa inuu maalmaha soo socda ku aadan yahay Imaaraadka iyo Kiiniya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.