X

Xasuuqii Beledweyne oo dhimashadu sii korodhey

Waxa sii kordhay xasuuqii xalay dhiigmiiratada Shabaab ka gaysatey xarunta maamulka Hirshabeele iyo dibedda xaruntaas. Weerarka oo ahaa mid loo qorsheeyay sida Wahaabiyada weerarada ay ka fuliso Yaman ayaa waxa la xaqiijay dhimasho badan.


”Ugu yaraan 48 qof ayaa ku nafwaayay weerarkaas halka dhaawacuna boqol lot I dhaafay, ayadoo la sheegayo in dad kale welli maqan yihiin loona malaynayo in hilibkoodu googoa’ay ayuu yiri masuul u hadlay Hirshabeele.


”Wuxuu ahaa weerar wuxuushnimo oo ay ku dhinteen shacab, waxgarad, siyaasiyiin iyo maal xad dhaafa ayuu raaciyay afahyeenka Hirshabeelle. Waxase su’aalaha ka imaanayaan cida u ogolaatey dhiigmiiradka inuu suunka is qarxinta la soo galo gudaha xarunta Hirshabeele.



Weerarkan qorsheysan ayaa lagu diley dad dhaawaca oo laga qaaday xerada. Waxay u muuqataa in dhiigmiiratada oo gudaha xarumaha ka helaysa gacan ay bedeleen siyaasadii hore ee halka qarax oo hadda isticmaalayaan mida Wahaabiyadu ka wado Yaman.

”Waxa Yaman wahaabiyada Sacuudigu ka wadaa duqeyn kadibna dadkii loo soo gurmaday ayay duqeyn labaad kiu dilaan ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.