Jaraaid ka so baxa Imaaraadka ayaa sheegay asagoon faahfaahin ujeedada loo joojiyay gebi ahaanba aalada Totok oo u shaqayn jirtey sida wasabka ama aaladaha ee la midka ah. Aalada Totok aya waxa soo dejistey dad aad u farabadan oo intooda badan ku nool Imaaraadka iyo kuwo kale oo ku nool Afrika, Yurub, Ameerika iyo Eeshiyada kale.
”Waxase la qarxiyay in aaladaasi ay la socoto socodkaaga, fariimaha aad direyso, xiriirkaaga shukaansi, balamahaaga, iyo xataa dhawaqa iyo codka dadka soo dejistey.
Aaladan ayaa soo baxdey bilo kahor waxayna durba kla soo degay dad aad u farabadan oo islahaa ka carara aaladaha Maraykanka. Weyse ku hogmeen sida warbixinta lagu sheegay.
Shirkad Yuhuuda oo jabsatey aalada Wasabka ayaa dawladaha waaweyn ka iibisa xogta dadka ay raadinaayaan. ”Waxase hubaala in dawladaha Wahaabiga ee Carabta ee lacagta haysta ay hadda ku biirayaan aaladaha baraha bulshada ayagoo kale laba ujeedo oo ah inay ilaaliyaan dhaqdhaqaaqa haweenkooda iyo cida ku soo socota maamulkooda ayuu yiri Xuseen Warsame.
Imaaraadka oo ka mida maamulada ugu xun dhinaca xoriyada ayaa lagu yaqaan jirdilida dadka ay uga shikiyaan maamulkooda waana waxa ku kalifay aaladan.
Aaladan ayaa hadda laga saaray keydka aaladaha ee Google iyo Apple. Laakiin dadka ku nool Imaaraadka ayaa qaarkood si kale u fasirtey sheegayna inay ka xun yihiin maqnaanshaha aaladaas waayo waxay ahayd aalad ka fiican aaladaha kale sida wasab oo codkeedu fasiix ahaa
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS