X

Imaaraadka oo lagu helay inuu jabiyay cunaqabatayna hubka ee saaran Somaliya

Imaaraadka ayaa lagu helay inuu jabiyay cunaqabatayna hubka ee saaran Somaliya. Warbixin ay qortey qaramada midoobey ayaa lagu sheegay in Imaaraadku khatar ku yahay amniga dalka.


Tilaabooyinka lagu heysto dowladda Imaaraadka Carabta waxaa qeyb ka ah arrinta dhismaha sharci darada ee Saldhigga Milateriga uu ka sameysanayso Berbera ee uu rabo inuu kaga duulo Yaman iyo dhuxusha Somaliya oo uu suuq geeyo.


Warbixinta ayaa shaacisay hub iyo qalab milateri laga qabtay Xeebaha Soomaaliya, kuwaasoo ka yimid dhanka Yaman, waxaana la sheegay in hubkaas laga soo iibiyay dalalka Bulgariya iyo Seerbiya, oo markii la weydiiyay ay sheegeen in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ka iibsadeen.

Imaaraadka iyo Sucuudiga ayaa sidoo kale qayb ka xiisada iskudirka ee ka dhaxaysa madaxda gobolada iyo dawlada dhexe.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.