X

Imaaraadka oo sheegtay xilligey furanayaan saldhiga milatari

Wahaabiyada Imaaraadka ayaa sheegtay xilliga ay furanayaan saldhiga milatari ee ay uga duulayaan dalka faqiirka ah ee Yaman. Saldhigan oo hoosta ay ka taageersan yihiin wadamada hawsha u wada Imaaraadka iyo Sucuudiga ee Maraykanka iyo Ingiriiska.


Wahaabiyada ayaa wada hawl gumeystuhu ku dhici waayay oo ah inuu si toosa u taageero maamulada dalka ka jjra ee magacyada badan loo bjxiyay si loo dhantaalo qaranimada Somalida iyo dawladnimadooda ayuu yiri Xasan Carab oo Berbera jooga.


Imaaraadka oo Sucuudiguna la socdo Yuhuuda iyo Ingiriiskuna dabada ka riixayaan ayaa ujeedada kale ay tahay in maamulku helo ilo dhaqaale oo sida muuqata Ingiriisku u heli waayay ama uga dhamayn waayay Yurubta kale.

Ingiriisku wuu ka baxayaa Yurub wuxuuna raadinaayaa saldhigyo uu isticmaalo inkastoo aanu haysan dhaqaale iyo cudud mikatari oo uu ku joogo laakiin uu adeegsanayo Wahaabiyada Imaaraadka iyo Sucuudiga inay dhulal sii qabtaan ayuu sii raaciyay Xasan Carab.


Wuxuu sheegtay Imaaraadku inay furayaan bisha sideedaad ee sanadkan isla markaana garoonka ay ka soo degi doonaan ditaarado ajaanib ah.

Sonaliya oo diidan farogelinta iyo jabinta cubaqabataynta saraan dalka ee Ibgiriisku horfadhiyo in laga qaado ayaa gudbisay dacwad ka dhana wahaabiyada Imaaraadka iyo gaalada dabada ku wata.


Kama fursanayso in dagaal halkaas ka dhaco ama Yaman soo weerarto, Somaliyana waxa u furan waxkastoo ay ku qaadato inay difaacato qaranimadeeda ayuu yiri Yuusuf Caynaan oo Hargeysa jooga.

Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.