Agaasimaha Warfaafinta Maamulka gobolka Sh/dhexe C/karin Cumar Macalin ayaa sheegay in laga bilaabo 25ka bishan December aan la oggolaan doonin in haweenka indhaha shareerka ku dhex maraan magaalada Jowhar.
“Iyadoo laga duulayo adkeynta ammaanka degmada Jowhar oo dhowaan uu ku furmayo ayaa maamulka gobolka waxa uu go’aansaday in gebi ahaanba haweenku aysan xiran karin indho shareer iyo weliba in mootooyinka bajaajta iyo mootooyinka kale aysan xilliyada habeenkii aysan socon karin laga bilaabo maqribnimadii.”ayuu yiri Agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka Sh/dhexe.
Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo lagu wado in dhowaan uu shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabelaha dhexe ka furmo magaalada Jowhar.
Ma aha markii ugu horeysay ee laga mamnuuco haweenka magaalada Jowhar inay xirtaan indho shareerta,waxaana horey u mamnuucay maamulkii hore Maxamed Dheere xirashada indho shareerta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay