Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Ingiriiska oo ciidamo u tababaraya maamulka Somaliland iyo walaac laga muujiyay

Waxa Hargeysa yimi sarkaal ka tirsan ciidanka Ingiriiska oo la sheegay inuu tababar siinayo maamulka Somaliland oo dagaal kula jira qabiilada diidan goosadka iyo weliba maamulka Puntland.

Ingiriiska ayaa si toosa faraha ugula jira siyaasada Somaliya guud ahaana gar ahaana ta Somaliland oo uu u arko meel uu joogi jirey, uuna isagu leeyahay fikirka ah Somali laga gooyo, inkastoo riyadaasi uu ku fashilmey ayna burburtey marhore.



”Wuxuu sameeyay sanduuqa horumarinta maamulka Somaliland asagoo kala tashaday wadamo uu ka dhaadhiciyay fikirkaasi sida Denmaark iyo Norway, oo loogu talogalay in maamulka loo sameeyo lacago keyda, inkastoo lacagtaasi badankeeda dhaafin agagaarka Hargeysa aan ka ahayn biyo qodid I arka ah oo laga fuliyay Awdal iyo Sanaag.

Wuxuu u dhisay ciidan si gaara u tababaran oo loo yaqaan RRU  oo kaliya mamulku u adeegsado inuu xaafadaha dadka ugu soo daato habeenkii, wuxuna bixyaa lacagtooda, lacagtaas iyo kuwo kale ayaa laga bixiyaa waaxda caawimada dibedda ee dawladiisa, waxana lagu naaxiyaa hal beel oo isagu isku halaynayo gobolkan.



Sarkaalka Ingiriiska ee yimi Hargeysa oo wata ciidankiisa qaybta tababarada ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo wsuxuu u yimi Hargeysa. Waxa hore Hargeysa u yimi wasiirka difaaca Ingiriiska oo kadibna bogiisa baraha bulshada ku qorey ”wadanka Somaliland ” inkastoo markiiba uu ka tirtirey markii Soomaali badan ku caydey, taas oo muujinaysa sidey u rabaan inay Somali kala gooyaan.

Shirkii Ingiriisku u qabtey fadhiid Sheekh Shariif ayaa laga saxiixay sheekada Somaliland iyo Somaliya oo ilaa hadda socota halka waxyaabihii kale ee ka soo baxay shirkaas waqti lumiska oo xataa Farmaajo loo qabtey, ayaan cidiba hadal qaadin oo ay ku jirtey lacag la yaboohay.



”Waa la ogyahay waxa Ingiriisku wado oo ah wixii ka haray Somaliyada uu halka dhigey inuu sii kala dhantaalo ayuu yiri C/llaahi Warsame oo Hargeysa ku sugan.

Ingiriiska ayaa qayb ka ah Imaaraadka jooga dekedda Berbera ayadoo la rabo in dekeddan loo adeegsado siyaabo kala duwan oo u badan siyaasad dhaqaale abuur, iyo isbahaysiga ay kuwada jiraan Wahaabiyada Carabta iyo Yuhuuda.

Maamulka Puntland oo iyagu hore walaac uga muujiyay taageerada uu Ingiriisku siiyo maamulka Somaliland ee saxaafad iyo lacagba isugu jirta, ayaa isaga laftiisu raba inuu wixiisa gooni u wato.

”Waxaan anigu la yaabaa bal anagu aanba niraahno waan go’nay oo aan cadayno Puntland iyadu waa xaydha jecli beerka jecli taasina waa munaafaqnimo ayuu yiri C/llaahi Warsame.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...