08/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ingiriiska oo diiday codsi kaga yimi Itoobiya kuna saabsan deked ay ku bedelato Somali galbeed

imagesJ3H97QIELondon 07 Dec 2014–Dawlada Ingiriiska oo xukumaysay Woqooyiga Somaliya ayaa diiday codsi uga yimi dawlada Itoobiya sanadkii 1946 oo ah in dhulka Somali galbeed ee Ingiriisku u bixiyay Ogaden ay ku bedelato hal magaalo oo can ahayd isla markaana madax u ahayd Somalida.

Warqado hadda shaaca laga qaaday oo uu yaala qolka kaydka waraaqaha sirta ah ayaa waxa ku qornaa in dawlada Itoobiya rabtey in ay dekeda Saylac ku bedelato dhulka balaadhan ee Somali galbeed.

Ingiriiska ayaa diiday codsigaas waraaquhuse ma sheegin waxa ku kalifay Itoobiya inay dekeda Saylac iyo magaalada Saylac ay u rabto in ay ku bedelato dhulka baaxadaas leeg iyadoo xilligaas ay u furnayd dekeda Asmara iyo Masawa oo hadda noqdey Eriteriya.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM