X

Ingiriiska oo farxad iskala hayn waayay doorashada Xasan Sheekh

Halka Somalida badankeeda ay xalay u ahay habeen murugo leh halkii ay ka sugayseen in xildhibaanadu u hiiliyaan  isbedel doonka cusub, waxay dalka dib ugu celiyeen 30 kahor. Waxase guuldarada shacabka Somaliyeed iyaga ay farxad weyn u ahayd kooxda sheegata beesha caalamka sida Ingiriiska.


” Waxaan soo dhaweynaynaa doorashada Xasan Sheekh waxaan balan qaadaynaa inaan si weyn ula shaqayn doono ayay tiri haweenayda Ingiriiska safiirka uga ah Somaliya ee fadhida teendhooyinka Xalane.


Madaxweyne Farmaajo ayaa geed ku xidhay kooxda Xalane kamana soo ag dhawaan jirin meel lagu hayo dan Somaliyeed mudadii uu xukunka hayay, wuxuuna u tuuray baasaboorkoodii ayuu yiri Cali Calasow.



Waxase muuqata in doorashada Xasan Sheekh ay uga dhigan tahay fursad qaaliya oo ka luntey kooxdan Xalane oo ay dalka u heleen. Ingiriiska ayaa waxa u daran in meel la saaro gooni goosadka ay taageeraan ee maamulka Hargeysa, waana arinaha waaweyn ee u qorshaysan inay si degdega uga saxiixay fadhiid Xasan Culusow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.