X

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ahaa madaxweyne u babac dhigey weeraro nooc kasta

Tan iyo maalintii uu xukunka la wareegay waa madaxweynaha keliya ee lagu bilaabay weerar dhinacyo badana, ilaa Kiiniya markii dambe ay noqotey xarun saldhig u ah meesha kharashka loo soo mariyo.


Waxa intaas kadib weerar is dabajooga ku soo qaaday kooxda Xalane oo iyagu ka dareemay inay dantoodii meeshii ka baxday markii laga eryay xubno muhiima.


Waxay aad u sii kordhiyeen dabinada ay maleegayaan iyo inay bilaabaan sumcad ka dilid taasoo shacabka Somaliyeed ka sii qaadeen inay aad u sii taageereen madaxweynahooa, ayagoo hadda arkay inuu sax ku taagan yahay.


”Waxa ii muuqday in waxa lagu eryanaayo uu noqday sideed xor u noqon kartaa ayuu yiri Xuseen Warsame. Aakhirkii waxay isku geeyeen awoodooda ilaa ay gaareen inay xalay ka guulaystaan, noogana tagaan akbar fadhiid.

Madaxweyne Farmaajo ayaa taariikhda ku galay madaxweynihii soo celiyay sumcada iyo sharafta ummada Somaliyeed intuu uu karaayay laakiin laga hor istaagay inuu hore u sii socdo.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.