X

Ingiriiska oo is maamuli kari waaayay una baahday kumanaan dirawalo reer Yuruba

Waxa safaf dhaadheer loogu jiraa Ingiriiska kaalimaha laga buuxsado shidaalka kadib markii la waayay dirawalo wada gawaadhida shidaalka qaada, waxana laga baqayaa in tukaamada cuntadu faaruq noqdaan. ”Khudaartii aan beeray waanigaa daadinaya intey iga qudhmi lahayd ayuu yiri beeroole ku nool tuulo u dhow London.


Maamul xumadan ayaa tuimi markii Ingiriisku ka baxay Yurub. Waxa Ingiriiska ka shaqayn jirey oo shaqada wadi jirey malaayiin u dhashay wadamadii Yurub ku biiray 2004 ilaa 2010 waxayse dib u noqdeen markii Ingiriiskui ka baxay Yurub.

''Waxaan Ingiriiskii dhaladka ahaa oo shaqooyinka ajaanibtu ka shaqeeyaan qaban lahaa inkastoo ana badnayn haddana waxay ka jecelyihiin inay khamriga iyo daroogada ku noolaadaan caydhana qaataan ayuu yiri Jaymis oo dirawala.

Waxa taas ka sii daran shidaalka gaaska oo dalku aanu haysan in ku filan maadaama ay isku haleeyeen tamarta hawada laga dhaliyo oo RABI ka joojiyay, taasoo keentay in warshadihii hawada iyo cadceeda ku shaqaynayay ay istaagaan halkaana korontadu yaraato.


''Waxaan hadda u baahanahay kumanaan dirawalo reer Yuruba iyo weliba ka shishaysa inay dalka ku soo noqdaan ama yimaadaan  si ay shidaalka u geeyaan kaalimaha ayuu yiri wasiirka socdaalka waxaan rabnaa inay tani tahay mid muddo gaabana.


Xisbigan cunsuriga ah ee hadda maamula Ingiriiska oo iyagu ajaanib nacayb iyo Yurub nacayb kursiga ku fuulay ayaa hadda u baahday isla Yurubtii iyo ajaaniitii kale ee ay nacayeen. Waxa kale oo dalka ka jirta kalkaaliso la'aan, waxana boosaskaa buuxiya ajaanib ka timaada Afrika iyo Eeshiya.

Dalkani isma wadayo ajaaniib la'aan waayo ma jirto dhalin Ingiriisa oo boosaskaa badan ee banaan buuxinaya waayo maba jirto dhalinyaro ayuu yiri Jaymis.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.