X

La taliyaha aminga ee madaxweynaha Somaliya Fahad Yaasiin oo xilkii la wareegay

Waxa saaka xilkii loo tiriyay la taliyaha cusub ee amniga qaranka Fahad Yaasiin oo madaxweynuhu magacaabay bishan horaanteedii. Fahad ayaa wax weyn ka bedelay amniga intii uu joogay madaxa sirdoonka.


Fahad Yaasiin ayaa madaxweynaha uga mahadceliyay magacaabistan wuxuuna sheegay sida ay uga go’an tahay inuu horumariyo amniga dalka guud ahaan.


Waxa magacaabistan joogay madaxda qaranka qaar iyo weliba la taliyihii hore ee amniga. Fahad Yaasiin ayaa wuxuu yareyay qaraxa iyo weliba dilalkii qorsheysnaa ee dhiigmiiratada shabaab.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.