X

Uhuru oo diiday go’aanka maxkamada dagaalna u diyaar garoobay

uhuru araabinews

Uhuru ayaa diiday go’aanka ka soo baxaya maxkamada oo ay ogaadeen inay lumiyen maadaama ayna haysan kiis ay ku doodaan waxa sidaas yiri afhayeenu hadlay dawlada Kiiniya oo qariyay magaciisa.


Uhuru oo Khamiistii tagey saldhig ciidan cir oo Maraykanku u dhisay una dhow xadka Somaliya ayaa sheegay inay u diyaar yihiin waxa uu ku tilmaamay difaaca badda iyo dhulka Kiiniya. ”Waabad u jeedeen inuu dharki askarta inoo soo xirtey.

Waxaadse is weydiin kartaa waa ayo cida uu isku halaynayo. Waxay diidmadooda tusaale u soo qaateen Maraykanka oo isagu dhowr jeer xaqirey xukunka maxkamada laakiin Kiiniya Maraykan maaha ee xaga kale u rog kubada way wataan.


”Kiiniya waxaty u balan qaaday shirkadaha Marayanka inay ku wareejin doonto dhulkaas baaxada leh ee Somaliyeed si ay kheyraadka ku jira u soo saaraan ayuu qabaa afhayeenkan is qariyay.

Waxa dhinaca kale walaac ku haya Kiiniya waa madaxwynaha Somaliya oo welli kursiga ku fadhiya iyo doorashada oo dhacaysa ugu soo horeyn Diisambar maadaama ay qasayaan. ”Si kasta ayay iskugu dayeen inay la dagaalamaan dib u soo noqoshada madaxweynaha wellise waa u surtageli wayday ayuu yiri Cali Calasow.


Xataa waxay Xamar soo geliyeen ciidan jufo waxayse ku dhici waayeen inay qaska ridaan magaalada waayo dadka magaalada oo ka dheregsan sheekada dhan oo diidey awrkacsi iyo in la kixiyo ayuu raaciyay Cali Calasow.

Si kastaba ha ahatee waxa la sugayaa dawlada soo socoto ee Farmaajo oo si fiican ula dhaqanta Uhuru abaalkiisana marisa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.