X

Ingiriiska oo Koofurta Somaliya u soo diraya khuburo dhinaca tababarka saadka iyo adeega ciidanka ka caawiya Amisom

Raiisal wasaaraha Ingiriiska oo ku sugan xarunta QM magaalada New York ayaa la kulmi doona madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh iyadoo agendaha looga hadli doono ay ugu weyn tahay askar Ingiriiska ka socota oo la gayn doono Koofurta Somaliya iyagoo ka qayb qaadan doona dhinaca tababarka, saadka ciidanka, daaweynta iyo jid u furida ciidanka la dagaalamaya argagixisada shabaab.

Ingiriiska ayaa sheegay in tani wax ka qaban doonto haday guulaysato in ay yaraato dadka qoxootiga ee imanaya dalka Ingiriiska iyo wadamada Yurub guud ahaan.

Agendaha QM ayaa isku rogey si oo joojiyo qoxootiga ka imanaya dalalka Siiriya, Afgaanistaan iyo Somaliya iyo wadamada kale iyadoo xooga la saarayo in deganaansho laga abuuro wadamadaas.

Talaabooyinka kor ku xusan ayaan shaqaynayn iyadoo wadamadu aanay daacad ka ahayn ayna hayna dakhliga ku baxaya. Imaatinka Iingiriiska ayaan waxba soo kordhinay maadaama ayna jirin dawlad karti leh haysatana ciidan wax iska celiya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.