X

Taliyaha ciidanka Puntland oo ka carooday maamulka Gaas oo been ka sheegaya mushaharka ciidamada: MAQAL

Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Puntland ayaa sheegay in hadda ay dhaaftey xilli la dulqaato oo ay tahay in ciidamada helaan mushaharkooda. Sareeye guuto Maxamed Siciid Xirsi ayaa arkay in beentu ayna sii soconayn xilli ciidamadu ayna qaadan muddo dheer wax mushahara halka xildhibaanada ay joogto u qaataan iyagoo aan la arag wax shaqo ah oo ay qabtaan.

Siciid Dheere oo markii ugu horeysay ka hadley mushahr la’aanta ciidamada Puntland ayaa ku tilmaamey iney tahay waxaan loo dulqaadin karin in madaxda dowlada tiraahdo in ciidamada xaqooda ma maqna balse uusan arinku sida kale yahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

 

 

admin:

This website uses cookies.