09/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ingiriiska oo ku qabtey wasiir Maxamuud Xaashi lacago badan iyo xaaskiisa oo caydha qaadata by Abdimustafa

Qeybta u qaabilsan wadanka ingiriiska cashuuraha laga qaado hantida dhaqaale ee dadku heystaan ayaa daba gal ku samaysay wasiirka madaxtooyada Maxamoud Xaashi.
Waxa dhawaan u yeedhay wasiirka waaxda cashuuraadka ee Ingiriiska  oo waxay u cadeeyeen in uu heysto lacag dhowr million ah oo ku jirta accounts Dubai ah.
Waxay kaloo soo bandhigeen in xaaskiisa ingiriiska degeni ay mudo dheer qaadanaysay caydha hablo uu dhalayna ay wataan baabuur qaaliya.
Waxay tuseen sawirada guri weyn oo magaalada Birmingham ku yaal oo isagu ku qoranyahay oo kiro loogu jiro iyadoo xaas kiisuna ku jirtay mudadii gurigiaasi uu lahaa guri dowladeed iminkana ay ku jirto aqal kiro ah.
Waxay weydiiyeen in uu lacagta ka soo baxda halka baabuurta la dhigto ee madaarka Hargaysa uu isagu qaato iyo in shirkado laba ah oo isagu iska leeyey ay ka hawl galaan isla madaraaka Hargaysa.
Warkaa waxa soo tebiyey nin Somaliyeed oo reer Xamar ah oo turjumaan ah oo la fadhiyey gudida dabagalka cashuuraha markay u yeedheen wasiirka si wax looga weydiiyo cadaymo ay hayaan.
Wasiirku markii hore wuxuu ku adkeystay in aannu turjumaan u baahnayn oo isagu isku filanyahay hase yeeshee luqadii ingiriisidu way ku adkaatay oo sidaa darteed baa turjumaan loogu dalbaday.

War jiraaba cakaaruu iman hase yeeshee Maxamud Xaashi wixii uu umadda ka dhacay waxa laga yaabaa in uu xabsi ku galo ama uu dib ugu noqon waayo wadanka ingiriiska.

Cuqubo Halkii lagu galay caw ku hurudaa. Waxaan shaki ku jirin in dowlada Ingiriisku ka cadhootay mudaharaad dadkii xukuumada Silaanyo ku samaysay oo ay iyaguna iminka bilaabeen in ay madaxtooyada xabsi ku guraan.

Silaanyo isagana waxa loo sheegay haduu doorashada waqtigeeda ku qaban waayo inay talaabooyin toosa qudhiisa ka qaadi doonaan. Isku soo wada duuboo dowladii ingiriisku waxay u biyeysatay inay dabagal ku samayso lacagaha badan ee madaxda Somaliland ku qarinayaan magaalada Dubai.

Yaa salaam !!!  Bal aynnu eegno basaq-basaqda ka dhacda Morgan, Zamzam, Amina Weris, Silaanyo, Maxamoud Xaashi iyo qaar kaloo badan. Beri wadaadado la xidh-xidhayay waxa la sheegaa in nin wadaad ihi markii askartu u timi uu ku yidhi Jinnaa wadaada ah ee anigu ma ihi.

Marka dadkan dabagal cashuureed lagu sameeyo waxa la maqli iyagoo le jinna wasiir ah, ama jinnaa marwo madaxweyne ah ama jinnaa safiir ah iyaga oo kiiska iska waalaya oo xabsiga dabada ka meer meerinaya.