Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Ingiriiska oo markale ku sii giijiyay Somaliya cunaqabateynta

Ingiriiska oo diidan in Somaliya markale isku taagto lugaheeda ayaa warqad u gudbiyay waxa loogu yeero qaramada madoobey oo ay Ku adeegtaan xulafada Maraykanka, Una sheegay in Somaliya loo kordhiyo.cunaqabateynta.



Waxay markale marmarsiiyo ka dhigteen argagixisada Shabaab ee markay rabaan u adeegsadaan danahooda. Cunaqabataynta oo ay Ku jiraan agab muhiim u ah horumarka dalka ayaa Ingiriisku sidan oo kale hore ugu gudbiyay goobtaas sanadkii hore. Agabyada la diidey waxa Ku jira kuwa caafimaadka loo adeegsado.



Dawlada Somaliya ayaa cambaaraysay warqada Ingiriisku u qorey ee lagu kordhiyay cunaqabataynta hubka kuna tilmaamey mid dano gaara laga leeyahay oo xilligaa loo baahneyn maadaama la dhisayso ciidan qaran.

Ingiriiska ayaa welli dabasocda dalka intii  uu ka soo reebay waana labawajiile wata gooni goosadka Woqooyiga inta yar ee welli aaminsan iyo lugta uu Kula jiro inuu qayb Ka helo saliida dalka.



Yaa diidey warqada Ingiriiska

Wadamada xorta ah ee waaweyn ee diidey waxa Ku jira Ruushka, Shiinaha iyo dawlada tar ee Igwatooriyal Gini. Ingiriiska oo Isha Ku haya colaada soo kodheysa ee Kiiniya iyo Somaliya, weliba  dagaalka Ka dhalan Kara badda ay nagu haysato ayaa cunaqabataynta hubka Ku sii giijiyay dalka si ayna isku difaacin.

Waxa muddo kordhinta Ku farxay wadamada ciidamada Ka joogaan dalka ee Ku naaxay balaayiinta doolar sida Kiiniya, Yugandha, Burundi iyo kuwa kale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...